Baydhabo(INO)- Waxaa Isbitaalka Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay la gaarsiyey Deeq Lacageed oo dhan $1400 isla markaana ay soo dhiibeen Gabadhaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Ku nool Wadanka Mareykanka.
Deeqdan Lacagta ah ayaa waxa Loo qiibiyey Bukaanada Ku jirta Isbitaalka Baydhabo, kuwaasoo u badan dadkii ku soo waxyeelabey Qaraxyadii Baydhabo ka dhaceen 28, febuary.
Agaasimaha Isbitaalka Degmada Baydhabo C/fataax Ibrahim ayaa u mahadceliyey Gabadhaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Nool dalka Mareykanka isla markaana ay u damqadeen walaalahood ku dhibaateysan Gudaha Isbitaalka Baydhabo, waxa kale uu ugu baaqey Jaaliyaha Kale Ee Koonfur Galbeed Soomaliya ee 5ta Qaaradood Ee Aduunka inay dadkooda dhibaateysan soo caawiyaan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo