Garowe(INO)-Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay xuska munaasabad lagu xusayo 1-da luuliyo oo ah xilligii ay xoroobeen gobollada koonfurta ayna isku beerin waqooyiga iyo koonfurta dalka ayaa sheegay dowladiisa inaysan dhagaha ka xiran doonin cid walba oo wax u dhimaysa dowlad-nimada ka jirta Puntland, Wuxuuna ka hadlay 55-sano Kadib xornimadii iyo Xaalada Soomaaliya.
Waxuu sheegay madaxweynahaPuntland inaysan cidna magan uga ahayn maamul gacan ku rimis ah oo dowladda federaalka xal u raadinayso,kaaso uu ula jeedo maamulka ka dhismaya gobollada dhexe ee Soomaaliya “Puntland nabadeedda iyo horumarkeeda midna gorgortan kala gelimayso maamul gacan ku rimis ah oo dowladda federaalka ahi dabada ka riixayso, wana ku kalsoonahay in qof kasta oo Puntland ah uu nabad ku seexdo, kana daali mayno raadinta Soomaali midaysan,”ayuu yiri
Sidoo kale,madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay arrimaha xadduuda ee maamulka Galmudug iyo Puntland oo u horay maamulka u sheegay inay tahay gobolka Nugaal,taasi inaysan dhici doonan haddii runta loo tago,sida uu sheegay Cabdiweli “Waxay hada leeyihiin xuduudu waa Nugaal. Markay runta tagto xuduudu waxay noqonaysa Godilabe iyo Guurceel,” ayuu yiri Gaas.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Garowe