Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradaka ee Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe oo wareys dhinacyo badan taabanaayo siiyo tV ga Unuversal ayaa waxa uu ka hadlay xiligani xaaladaha Dhanka Debada ee maamulka Somaliland.
Mar la weydiiyey waxa maamulkooda dhanka siyaasada arrimaha dibada uga qabsoomey ayuu ku jwaabey: ”Siyaadada Arrimaha Dibada Somaliland waa guul dareystay, oo Puntland oo ah dowlad goboleed aan goosan ayaa naga diblamaasiyad weyn oo naga saaxiin iyo ixtiraam badan, anagu zero ayaanu ka nahay siyaasada arrimaha dibada, ictiraaf warkiisaba daa“.
Sidoo kale waxa Uu sheegay inu caalamka u arko in Somaliland ay dib uga istaagtey ama ay ka noqdeen ictiraafkii ama gooni isu taagii ay raadin jireen.