Dhageyso khudbadii madaxda sare ka jeediyeen xafladii guddiga farsmada ee dhismaha maamulka KG ee 3da gobol

0
249
[audio:http://www.dhanaanmedia.com/dhanaan/wp-content/uploads/2014/07/Khudbadihii-Madaxda-DFS.mp3]

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo soo saaray wareegto uu ku magacaabayo Gudi farsamo oo ka soo shaqeynaya Maamulka saddexda Gobol ee Koofur Galbeed, kadib heshiiskii bishii hore lagu gaaray magaalada Muqdisho.
farsamo

Gudigan oo ka kooban 18-xubnood ayaa u muuqda kuwo lagu soo xulay hab beeleed, waxaana ku jira odayaal dhaqameedyo caan ah.
Wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ka soo baxday ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre uu yahay xiriiryaha Gudiga Farsamada iyo Ra’iisul Wasaraha.
Inkastoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu horay ugu gacan seyray heshiiskii Maamulka saddexda gobol ee lagu saxiixay Muqdisho, hadana Wasiirka ayaa goob joog ka ahaa Kulan afur ah oo xalay ay u sameeyeen Madaxda dowladda Gudigan farsamada iyo xubnaha Maamulka saddexda Gobol.
Gudigan Farsamada ayaa sidoo kale waxaa xubno ka ah xubno ka tirsan Xukuumada, sida Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khaalid Cuma, Wasiir kuxigeenka Amniga Qaranka Ibraahim Isaaq Yarow iyo Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga C/llaahi Xuseen Cali
Hadaba wareegtada lagu magacaabay Gudiga Farsamada ee Maamul u sameynta saddexda Gobol iyo magacyada gudigan halkan hoose ka aqriso:-
unnamed

Idale News Online, Mogadishu