Daawo: Dufcadii Labaad Ciidamada Booliska KGS Ee G/Sh/Hoose Oo Tababar Loo Furey

0
195

Baydhabo(INO)- Saraakiil Ka Socodan Booliska  DF Soomaaliya iyo AMISOM oo maanta Safar shaqo ah ku yimid Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, isla markaana Ujeedaka safarkoodu ahaa  Siidii  Baydhabo uga soo furi  lahaayeen Tababar Ciidanka dhibow cusub oo loo qaatay in ay ku soo biiraan ciidanka Boliiska KG  soomaliya tiradooduna gaarayso 200, kuwaasoo loo tababaraayo inay sugaan amaanka Gobolka Shabellaha hoose.

Xaflad lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Baarlmanaka Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka hub ka dhigista dhaqan celinta iyo tababaradda Maleeshiyaadka  KGS ahna kusimaha Madaxwayanaha KGS Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka tirsan KGS, Taliyaha Boliiska AMISOM Mr. Anand Billay, Maamulka Gobolka Bay,  Saraakiisha Boliiska Gobolka Bay,Taliyaha Ciidamada Booliska KGS Gen. Ibrahim Macalin Kutub iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo.

Ugu dambeyntii, Ciidanka Tababarka loo furayay ayaa ka muuqatay qiirad iyo in ay diyaar u yihiin sidii ay Tababarkooda uga faa’idaysan lahaayeen, waxayna  soo bandhigeen kartidooda iyo habka ugu wanaagsan ee loola dhaqmo Bulshada isla markaana loo sugo nabadgelyada.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here