Daawo: Dowlada Taliyaaniga Oo Radio FM Ah Ugu Deeqdey Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
255

Muqdisho(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dowlada Taliyaaniga ugu deeqdey Radio FM ah oo ku hadli doono Afka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qalabka FM ah ayaa waxaa lagu wareejiyey  Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshada Abba Awow Suufi, waxaana lagu wada in la keeno Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Wasiir kuxigeenka  ayaa sheegay inay filayaan sidoo kale in lasoo gaarsiiyo TV ay yeelato Dowlada  Koonfur Galbeed isla markaana waxa kale uu sheegay inay wasaaradiisu hor taalo howl dhowr ah sida dib usoo nooleynta fanka iyo suugaanta luuqada Maayga iyo weliba sidii ay hawada usoo gelin lahaayeen idaacada loogu deeqay iyo TV isna la filayo in lasoo gaarsiiyo.

Ugu dambeyntii, wasaaaradda Warfaafinta iyo Wacy-galinta Ee Dowlda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  dhawaan sheegtey in ay tayeyneyso Wariyaasha iyo Warbaahinta ka hawlgala Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here