Daawo: Dowlada KG Soomaaliya Iyo Maamulka Jubba Oo Heeshii Ku Gaarey Magaalada Kismaayo+ Akhriso

0
223

Kismaayo(INO)-Madaxweynaha Dowlada KG Soomaaliya iyoWafdigiisa oo ka koobnaa Xubno kamid ah Gollihiisa Wasiirada iyo Odayaal Dhaqameed ayaa Waxay kulamo kala duwan la qaateen Madaxda iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo Odayaasha Jubooyinka.

Halkan Ka Daawo

Madaxweyne  Shariif Xasan Sheekh  iyo Axmed Madoobe ayaa kulan ka dib waxay isku Afgarteen Qodobadan Hoos Ku Xusan:-

  • In Xuduudaha u dhaxeeya labada Maamul Goboleed ay noqdaan xuduudihii la yaqiinay intii aysan burburin Dowladii Dhexe ee Soomaaliya 1991.
  •  In la xoojiyo Xiriirka labada Maamul Goboleed la iskana kaa shado arimaha amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
  • In Dadka ku kala nool deegaanada labada Maamul Goboleed si cadaalad ah looga qayb geliyo maamulka
  •  In Dowlada Dhexe ay kala tashato Maamul Goboleedyada qaabkii hirgelinta Nidaamka Federaalaynta Soomaaliya iyo qaabkii lagu gaari lahaa hiigsiga 2016.

Madoobe-iyo-Shariif

Idale News Online, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here