Umman(INO)-Dowlada Jordan ayaa daldashay labo qof oo u xirnaa arrimo argagaxiso taasi oo ay uga jawaabayeen dilkii Duuliyihii u dhashay dalkaasi oo ay kooxda ISIS nolol ku gubtay.
Duuliye sare Moaz al-Kasasbeh oo ka tirsanaa ciidamada cirka ee Jordan ayey ISIS gacanta ku dhigtay dhamaadkii bishii December, kadib markii diyaaradii uu waday lagu soo riday magaalada Al Raqqa ee waqooyiga dalka Suuriya, waxaana Talaadadii shalay internetka lagu shaaciyey Filim muujinaya dilka duuliyahaan oo ay kooxda ISIS isago nool gubeen.
Dowlada Jordan oo horey ugu hanjabtay inay dili doonto xubno kamid ah argagaxisada ku xiran xabsiyadeeda kadib dilkii duuliyahaasi, waxayna warbaahinta dalkaasi maanta oo Arbaca ah shaaciyeen in la dal dalay haweenay u dhalatay dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Sajida Mubarak Atrous al-Rishawi.
Haweenaydan ayaa kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq waxaana lagu xukumay wadanka Jordan sanadkii 2005 kadib markii uu fashilay weerar ismiidaamin ah oo ay dooneysay inay isku qarxiso hotel ku yaal caasimada dalka Jordan ee Amaan.
Halkan Ka Daawo.
Maxbuuska labaad ee u dhashay dalka Ciraaq oo ay dowlada Jordan qisaastay, ayaa la sheegay in arrimo argagaxiso horey loogu xukumay, waxaana horey maxkamada ugu xukuntay dil, wallow aan faah faahin dheeraad ah laga bixin macluumaadkiisa.
Kooxda ISIS ayaa horey uga codsatay dowlada Jordan in lasoo daayo haweenayda la qisaasay ee Sajida oo xubin ka ahaan jirtay kooxda Al Qacida.
IdaleNews Online, Umma