Reno(INO)— Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa si deg deg loogala cararay goob uu taageerayaashiisa kula hadlayay oo ku taal magaalada Reno ee Gobolka Nevada, kaddib markii la sheegay in nin qori sita uu ku dhex jiro dadka.
Ciidamada qaabilsan sugida ammaanka Madaxda ee loo yaqaano Secret Service ayaa halkii uu taagnaa ee uu ka khudbeynayay kala cararay Musharaxa, iyagoo ka saaray hoolka.
Intaas kaddib ayaa mar kaliya waxay goobta isu bedeshay buuq iyo sawaxan, cabsi la soo deristay dadkii isugu yimid goobta, waxaana markii dambe soo gaaray Ciidamo aad u hubeysan.
Ciidamada ammaanka iyo kuwa Booliska magaalada Reno ayaa qabtay nin 33 jir ahaa, kaasoo markii hore la sheegay inuu sitay qori, balse mar dambe la ogaaday in aanu hubeysneyn, balse watay boor ay ku qornaayeen halku dhigyo ka dhan ah Donald Trump.
Waxaa goobta isku gedaamay oo ammaankeeda la wareegay ciidamada aad u hubeysan, waxaana gudaha halka uu ololaha ka waday Musharaxa Donald Trump lagu arkayay ciidamo kala duwan.
Musharax Donald Trump oo aan ka muuqan wax cabsi ah ayaa dib ugu soo laabtay masraxa, isagoo dib uga bilaabay khudbadiisa.
Doorashada Madaxtinimada Mareykanka ayaa waxaa ka haray labo maalmood, iyadoo Musharaxiinta uu loolanka u dhaxeeyo ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump ay ololahooda u dambeeyay ka wadaan gobolada Mareykanka.