DEG DEG: Dagaal mar kale saaka dib uga qarxay Galbeedka magaalada Gaalkacyo

0
177

Galkacyo(INO)— Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa saaka dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo, iyadoo dagaalka saaka uu ku fiday goobo cusub.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka socda agagaarka xaafada Garsoor, waxaana labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wariyeyaal ku sugan Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in la maqlayo hubka noocyadiisa kala duwan oo labada dhinac is weydaarsanayaan.

Lama oga cida dagaalka bilowday, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac madaafiic is weydaarsanayaan.

Waa dagaalkii labaad oo ka dhaca Gaalkacyo, tan iyo markii todobaadkii hore Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland heshiis xabad joojin ku kala saxiixdeen dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.