Muqdisho (INO) – Golaha 88 oo ah gole gorfeeya arrimaha siyaasada iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya ayaa waxaa uu wareysi dheer la yeeshay madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Cali Gaas. Wareysiga oo intiisa badan ku saabsanaa shirkii fishilmay ee dhowaan dhinacyada Soomaalida ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaana wareysiga laga dheehan yahay xal ka gaarista la’aanta ka dhex aloosan madaxda Soomaalida ka dhex aloosan iyo sidii loo heli lahaa nidaam bedela nidaanka hadda dowladda federaalka ku dhisan tahay.
Waxaa cad kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee ku saabsan higsiga 2016, waxaana la saadaalin karaa waxa laga filan karo in ay ka soo baxaan kulan loo balansan yahay bisha Janaayo 10keeda oo la qorsheeyey in uu ka dhaco magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose.
Halkaan ka dhageyso:

Idale News Online, Muqdisho.