Daawo Bilicda Degmada Cadaado ee maamulka Galmudug iyo horumarka deg deg ah ay sameyay

0
562

Cadaado (INO) – Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud isla markaasna hoostagta dowlad gobeelka Galmudug ayaa si aad ah u fidey, waxaana magaalada lagu arkayaa dhismayaal cusub oo aad u qurux badan iyo adeegyo bulshada oo ay ka mid yihiin  wadooyinka cusub, layrarka ku shaqeeya cadceeda qoraxda,  dayir lagu sameynaayo xarumihii dowladdii hore iyo xarumo ganacsi oo magaalada bilicdeeda kor u qaadey.

Magaalada Cadaado oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Galmudug ayaa horumarkaan ay sameysay kaga hormartey sabab u ah wada shaqeynta maamulka degmada iyo degmada oo iska kaashaday horumarka iyo bilicda magaalada. Dhaqaalada soo gala magaalada ayaa waxaa dib loogu celiyaa arrimaha adeega bulshada.

cadaado3 cadaado2 cadaado1

Idale News ONline, Cadaado