Muqdisho(INO)Korneyl Cismaan Cilmi Guure Cukaash mudo ku dhaw 8-Bilood ku Xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa maanta Xoriyadiisa dib u helay,kadib markii Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Darajada Koowaad iyo Labaad ay wax danbi ah kuwaayeen.
Korneylka oo mudo ku Xirnaa Xabsiga dhexe ayaa xarigiisa waxaa ka danbeeyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha-qashe,waxaana Cukaash loo Xiray Gabay uu ka tiriyay Ciidamada Milatariga Soomaaliya dhibaatada haysata oo lagu Magacaabo Fariin Qaran.
Hay’addaha u dooda Xaquuqda Aadamaha ayaa horay wax laga Xumaado ku tilmaamay in Cornel Cismaan Cilmi Guure Cukaash uu iska xirnaado iyadoo aan lagu hayn wax danbi ah oo uu galay,inkastoo maanta uu Xariyadisa dib u helay.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Muqdisho