Daawo: Ciidamada Amaanka KGS Oo Howlgalo Dad Lagu Soo Qab Qabtey Ka Sameeyey Baydhabo

0
209

Baydhabo(INO)- Ciidamada amaanka Magaalada Baydhabo ayaa howgalo lagu baarayo dhamaan magaalada Baydhabo kuwaasi oo ay sameenayaan ciidamada nabad galiyada iyo kuwa booliska koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana wadooyinka iyo xaafadaha qaar lagu arkayey laamaha amaanka oo baaritaano ku samynayey kuwaasi oo la xariira xoojinta amaanka iyo ka hortagida xog sheegaysa in dad doonaya falal Amaan xumo ay ku jiraan magaalada Baydhabo.

Wasiirka wasaarada Amniga ee Dowlada Koonfur Galbeed iyo saraakiiisha ciidamada ayaa xili ay kuguda jireen howgalka ayaa u sheegay Bulshada inay soo sheegaan qofkasta oo ku cusub magaalada si loola socdo dhaq dhaqaqyadiisa.

Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Bay Col. Mahad Cabdiraxmaan ayaa hoosta ka xariiqay inuu howgalka yahay mid lagu baari doono dhamaan qeybaha bulshada si loo ogaado cida amaanka lidiga ku ah.sidoo kale taliye Mahad C/raxmaan ayaa carabka ku adkeeyey in ay ku dedaali doonan la degaalanka shabaab si loo sugo amaanka gobolka iyo kan Baydhabo.

Wasiirka wasaarada amniga Koonfur Galbeed Abdifatax maxamed ibraahim geesey oo howgalkaasi horkacayey ayaa sheegay in xaalad deg deg ah oo dhanka amaanka ay ka bilaabeen magaalada maadama ay haleen tuhun ku salaysan inay jiraan kooxo amaanka lasoo horjeeda.

Wasiirka ayaa tibaaxay inay la socdaan Abaabulada shabaab ay ka wadan qeybo kamid ah deegaanada koonfur galbeed soomaliya kuwaasi aan suuragal u noqon doonin shabab sidaasi waxaa yiri wasiirka wasaarada amniga koonfur galbeed soomaliya.

Ugu dambeyntii, Howgalkan habeenimo ayaa waxaa uu ka dambeeyey kadib Axadii la soo dhaafay markii magaalada Baydhabo ay ka dhaceen qaraxyo waxyeelo u gaystey shacabka magaalada baydhabo.kaasi oo masuuliyadiisa ay sheegteen kooxda shabaab.

Halkan Ka Daawso

Wariye Cali Ilyaas, Warbaahinta

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here