Riqqa(INO)- Caadiyan sida looga bartay kooxda ISIS ama Daacish, ayaa inta badan dilalka naxdinta leh ay fuliyaan waxeey u adeegsadaan caruur aad u yaryar oo aan qaan gaarin.
Muuqaal ay soo duubtay Kooxdan, gaar ahaan kuwooda ku sugan magalada Mosul ee dalka Ciraaq, ayaa waxaa ka muuqanaya maxbuus ay ku sheegeen inuu ahaa Basaas oo wajiga ka duuban iyo Canug ka yar 7 sano oo gadaashiisa taagan islamarkaasina gacanta ku haysta Biskoolad.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Wiilkan yar ayaa nin weyn oo kooxda ka tirsan ku amraa, inuu madaxa xabad kaga dhufto Maxbuuska, balse wiilka yar oo sida muuqata naxariis gashay, ayaa diidaya una celinaya Biskoolada, hase ahaatee mar kale ayuu ninka ka tirsan ISIS uu qasbayaa wiilka, gacantana kula qabanayaa bastoolada kadibna mar kaliya keebka isla qabanayaan.