Daawo: Boqolaal Qof Oo Wata Kararkooda Aqoonsiga Oo U dareerey Goobta Codbixinta Baydhabo

0
210

Baydhabo(INO)- Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa maanta si rasmi ah ugu bilaabatay Magaalada Baydhabo  oo caasimad KMG ah Koonfur Galbeed, goobta ay ka socota doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ah madax ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka  Koonfur Galbeed iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Dadka hada ay u codeeynayaan ergooyinka waxaa ka mid ah gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya , Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Maanta ayaa lagu wadaa  in la doorto 8 xubnood , ayna doorashadu  sii socon doonto tan iyo inta laga soo dhameystiraayo xildhibaanada Aqalka Hoose u matali doono maamulka Koonfur Galbeed Dowladda Soomaaliya.

0102