Daawo: Beesha Luwaay oo Shaacisey Musharax u taagan Xildhibaanimada DFS Ee 2016

0
2118

Baydhabi (INO) – Waxaa Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Maanta Xaflad ku qabtey waxgaradka beesha Luwaaye kuwaas Ku soo bandhigey Musharax  Baarlamanka doorashada 2016 ee Beesha Luwaay/Abow Aarow.

Beeshu ayaa waxay u dooratey Gudoomiyaha Jaamacadda Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo  Prof. Idiris Cabdi Takhtar in uu yahay musharax u taagan xubinnimada Baarlamaanka  Federalka cusub ee Soomaaliya ee Ee Beesha Luwaay/Abow Aarow.

Xafladani oo si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qeyb galey Samadoono, Aqoonyahanada, Siyaasiyiin, iyo Ganacsato kuwaasi oo dhamaantood kalsooni u muujiyey Musharaxnimada Prof. Idiris Cabdi Takhtar.

Musharaxa Beesha u dooratey Xildhibaanimo Prof. Idirs Cabdi Takhtar oo Xaflada oo ka hadley ayaa waxaa uu balan qaaday in hadii loo doorto Xubintaas uu ka shaqaynayo hormarinta bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan Degaanada Beesha Lawaay ee uu matalayo, waxaana uu soojeediyey khudbad uu ajandihiisa uga hadalyey oo wakhti qaadatay.

“Waxaan diyaar u ahay isbedel odoyaasha, dhalinyarada,Haweenka dhamaantood” ayuu mar kale yiri Mushaarax Prof. Idirs Cabdi Takhtar.

Sido kale Waxaa uu balanqaaday in uu ku shaqayndoono rabitaanka bulshada kana warhayndoono baahida Bulshada uu matalayo. isla marjaana hiigsigiisu uu yahay Madaxweyninimo.

Waxgaradka Beeshaas oo ka Hadleen kulankaas ayaa waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin Prof. Idirs Cabdi Takhtar waxaayna intaa ku dareen inay taageersan yihiin, loona baahanyahay in uu la yimaado isbadal sidii dhallinta Beesha Luwaaye ee  wax baratay ay u  helaan fursado shaqo iyo weliba fursado ay kaga qeyb qaataan  Hay’adaha DFS Iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Beeshu ay degan tahay.

Waxayna tilmaameen in la gaaray waqtigii Aqoonyahnada Beesha Luwaaye xilka loo dhiibi lahaa, loona baahan yahay isbadal muuqdo, maadaama Prof. Idiris uu yahay qof waxgarad ah kana soo bixi kara howlkasta oo loo wakiisho.

Halkan Ka Daawo.

006005003004002001

006

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay