Baydhabo(INO)- Beesha Luwaay oo Ka Mid Ah Beelaha DM ayaa maanta Waxay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ku caleemo Saartey Malaaq Cusub.
Shir iyo wada tashi shocday mudo 12 Bilood oo ay yeesheen dhammaan waxgaradka , culimada , aqoonyahanada , nabadoonada , haweenka iyo Beesha Luwaay oo kakala yimid deegaanada ay degan yihiin ee Koonfurta Soomaaliya ayaa Maanta waxay Caleema saareen Ugaaska Guud ee Beesha ee Ladoortey taariikhda markey aheyd 26 Febraay 2016.
Maanta 03 March 2016 waxay aheyd maalinta caleemasaarka Ugaaska Guud iyadoo ay kasoo qayb galeen nabadoono Soomaaliya Qaarkood iyo Masuuliyiin ka kala socatey Dowlada Dhexe iyo Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Qurbojoog si wanaagsan loogu yaqaano soomaaliaya dhinaca Samafalka sida Dr. Ali Mohamed Iidow (Moorigaabey ) oo ka hadley xulista ay beesha soo xulatey nin aqoonyahan ah , isagoo sheegey in dhamaan qabaa’ilada ay ku daydaan sida ay beesha luwaay ay yeeshey , waxaa ka hadley Wasiiro iyo Xildhibaano Koonfur galbeed .
Ugaas Mukhtaar Sheikh Aden Yerow ayaa noqanaya Ugaaskii 38 oo ay beesha yeelato , mudo sanad ah ayaa gudi loo xilsaarey xulista Ugaaska ayaa maanta soo dhamaatey , kadib Markii ay isku Raaceen Dhamaan Waxgaradka Beesha isagoo ku Muteystey inuu yahay Aqoonyaha dhinaca Maadiya iyo diini yaqaano lehna Heybad waxqabasho, waana ugaaska 39 aad oo ay beesha yeelato mudo Qarni ah.
Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo