Baydhabo(INO)- Beesha Leysaan Oo Ka Mid Ah Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa Maxamed Cadow Maxamed udoorata Malaaqa guud ee Beesha Leysaan.
Halkan Ka Daawo Video
Munaasabad lagusoo bandhigaye ayaa maanta waxaa ay kadhacday magaalada Baydhabo kadib markii mudo afarsano ah Beeshaasi baadigoob ugujirtay masuulkii hogaaminlahaa.
Beesha Leysaan oo kamid ah beelaha dega gobolada dalka Soomaali iyo wadamada Kenya iyo itoobiya ayaa maanta Munaasabad lagu shaacinaayey islamarkaana lagu caleemasaaraayey malaaq guud ay dooratay beeshaasi waxaa ay ka dhacday magaalada Baydhabo xaruunta dowlad goboleedka Koonfur-galbeed .
Xafladan caleema saaarka Malaaqa cusub ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin kala duwan ugaasyo,suldaano,cuqaal,nabadoono,culmaaudiin,haween iyo boqolaal dadwene oo deegaano kala duwan ka kalayin waxaana in tii munaasabadu socotay halkaasi lagu soobandhigaayey habdhaqanka soomaalida sida hidaha iyo dhaqanka iyo suugaanta.
Waxaana munaasabada ka hadlay odayaal dhaqameedyo , culimo ,siyaasiyiin,haween iyo dhaliyaro oo uhanbaleynayey hogaamiyaha cusub uguna duceeyey in xila alle u fududeeyo.
Ugudanbeyntii Malaaqa cusub Maxamed cadow Maxamed ayaa qudbad dheer halkaasi kajeediyey isagoo ugu horen umahad celiey qasooqayb galayaasha munaasabada wuxuuna sidookale hogaamiyaasha dhaqanka ubalan qaaday in uu wada shaqayn lasameyndoono lana adkeyndoono wada noolaanshaha beelaha.
Malaaqa cusub Maxamed Cadow Maxamed ayaa noqday hogaamiye dhaqameeed kadib markii Beesha uu kadhashay kasoo xulatay gudaheeda una dooratay in uu noqdo Malaaqa guud ee Beesha kadib markii ay ugashay baadi goob dheer oo afarsano qaatay .
Malaaq Maxamed Cadow ayaa waxaa uu bedelayaa Alle ha unaxariistee Malaaq muqtaar Malaaq Xasan oo 2012 ku geeriyooday Baydhabo mudo 50 konton sano kabadan hogaaminaayey beeshani
Halkan Ka Daawo Saawiradda.
Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella, Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo