Jowhar(INO)-Beesha Eylo oo ka mid ah Beelaha Digil iyo Mirifle/Sagaal ayaa waxay Nabadoona Cusub ku dooratey Gobolka Shabellaha Dhexe iyadoona Caleema Saarka Ay ka Soo Qiib galeen Odoyaasha Dhaqanka Gobolkaasi.
Munaasabad si weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen boqolaal ruux oo isugu jira nabadoono, waxgarad, culumaaudiin, dhalinyaro ayaa lagu duubay nabadoon cusub oo ay yeelanayso Beesha Eylo nabadoon Karaamad Jimcaale Socdaal.
Goobta ay ka dhacaysay celeema saarka nabadoonka ayaa waxa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyadoo dhalinyaradu ay muujiyeen sida ay raaliga uga yihiin duubista nabadoonka.
Nabadoono ay ka mid ahaayeen Maxmaed Collow Barrow, Nabadoon Muxumad Jurus oo ka hadlay goobta ayaa kula dardaarmay nabadoonka cusub in uu bulshada soo dooratay ku hogaamiyo waddo wanaagsan.
Nabadoonka cusub ee beesha Eylo Nabadoon Karaamad oo ka hadlay xafladii lagu caleema saarayay ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii uu beesha uu ka dhashay u soo celin lahaa taariiqdii iyo xadaaradii ay ku lahayd gobolka Sh/dhexe.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha gobalka Shabeelada Dhexe Mudane Gudlaawe ayaa amaanka gobalka shabeelada dhexe si weyn ugu shaqeeyey ayado xusid mudan tahay in aay soo badanayaan beelaha dooranaya nabadoonada metela beeshoodada.
Idale News Online, Jowhar