Daawo: Banaanbax Looga Soo Horjeedo Falkii Ciidanka NISA Ay Ku Dumiyeen Xaduuda KGS iyo Gobolka Banaadir Oo Ka Dhacey Markacadey

0
264

Marka(INO)-Banaanbax ay soo abaabushey Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa maanta ka dhacay magaalada MarkaCadey ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow, wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xuseen Cali Xaaji, wasiir ku xigeenka Haweenka Koonfur Galbeed  Marwo Binti iyo masúuliyiin kale.

Ujeedada banaanbaxan ayaa ahaa mid Dowladda  Koonfur Galbeed uga soo horjeedo talaabo ay ciidamada ammaanka ee dowladda soomaliya ay ka qaadeen wasiirka ganacsiga ee Koonfur Galbeed Cabdullahi Sh.Xasan, taas oo salka ku heysa khilaaf dhinaca xuduuda ah oo u dhexeeya labada maamul ee K.Galbeed iyo kan dowladda dhexe ee soomaliya.

DSC03645DSC03646DSC03649DSC03652DSC03653DSC03655DSC03656DSC03658DSC03659DSC03661DSC03662DSC03663DSC03664DSC03666DSC03667DSC03668DSC03669DSC03670DSC03671DSC03672

Idale News Online, Xafiiska Markacadey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here