Marka(INO)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Xuseen Cali Xaaji oo ka hadlay banaanbax maanta ka dhacay magaalada Marka ayaa ku eedeeyay xukuumadda soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh in ay dumineyso Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiir Xuseen Cali Xaaji ayaa sheegay in burburintii ay ciidamada ammaanka ee soomaaliya ku sameeyeen baro uu Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya u calaamadeeysay xuduud ahaan ay tahay mid aan la aqbali karin.
Mudane Xuseen Cali Xaaji ayaa intaa ku daray in uu dhammaaday xilligii dhibaatada lagu heyn jiray dadka Degaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya, haddana ay heleen dowlad goboleed ay dhisteen oo danahooda ka shaqeysa.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Marka