Daawo: Afhayeenka Alshabaab Shiikh Cali Dheere oo ka hadlaya doorashooyinka iyo Weerarada Hotelada

0
201

Muqdisho(INO)—Afhayeenka guud ee ururka Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa ka hadlay doorashada dalka isagoo ku tilmaamay doorashada ka dhacaysa dalka inay tahay mid ah xulasho.

Wareysi uu siiyay Shiikh Cali Dheere taleefishinka Aljazeera ayna soo bandhigtey shabakada Dalsoor ayaa ku timaamay doorashooyinka dalka ka dhacaya inay yihiin Xulasho.

Shiikh Cali Dheere oo la weydiiyay inay doorashada Madaxweynaha ay musharax u soo dirayaan ayaa ku jawaabay; ”Wax sax ah ayaa wax lagu darsadaa oo xaq ah, waxa ka socda meesha waa baadil, waa xaq daro xaqdarana waxba lagu ma darsado mana noo cunanto wax xaq daro ah inaan wax ku darsano.”ayuu yiri Shiikh Cali Dheere.

Sidoo kale Shiikh Cali Maxamuud Daa’uud ayaa sheegay in doorasho ahayn waxa ka dhacaya dalka Soomaaliya balse ay tahay xulasho ”Doorasho kama jirto dalka  waa xulasho dadka gaalada ah ama dadka gaalada ay keensato cida ay rabaan ama cida arimahooda u fulinaya meesha la keenayo umada somaliyeed waxma dooranaysa ee dadka yaan la nabin.”ayuu yiri Shiikh Cali Dheere.

Afhayeenka Alshabaab oo la weydiiyay waxa ay ugaga duwan yihiin dowlada maadaama Amiirada Alshabaab la soo xulo oo aan la dooran ayuu ku jawaabay; “Amiirada Alshabaab dariiq waafaqsan shareecada  Islaamka ayaa lagu soo doortaa waxaana uu Alle u sameeyay qawaanin iyo shuruuc cidda laga helo sifooyinkaa laguna doortaa.”ayuu sii raaciyay.

Afhayeenka Ururka Alshabaab ayaa sidoo kale ka hadlay weerarada Hotelada ay ku qaadaan ururka Alshabaab. Waxana uu sheegay in Hotelada ay weeraraan ay yihiin kuwo boqolkiiba 95 la shaqeeya dowlada ayna iyagu weerarin hotelada caadiga ah.

“Dhammaan hotelada ku yaal wadada Maka Al Mukarama ma aha Hotelo caadi ah waxa ay la mid yihiin xeryo ciidan,weli ma weerarin hotelada shacabku leeyahay ee ku yaal Bakaaraha,Suuqa Xoolaha iyo Huriwaa.”ayuu yiri Shiikh Cali Dheere.

Halkan ka daawo Wareysiga Shiikh Cali Dheere Qeybtiisa 1aad.