Baydhabo(INO)- Munaasabad si weyn loo soo Agaasimay ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Hoolka Xafladaha Bay Star Ee Baydhabo, waxaana ku Qalin jabiyey in ka badan 45 Arday Oo Isugu jira Wiilal iyo Gabdho oo Ka qalan Jabiyey Kuliyada Waxbarashada Ee Jaaamacada Koonfurta Soomaaliya.
Munaasabada waxa ka soo Qiib Galey Ku Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya ahna wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi, Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo Cabdulahi Maxamed Watiin, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga KGS Maxamed Xaaji, Wasir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gar gaarka iyo Arri. Naafadda Maxamed Gaan, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo dhirta K/Galbeed Madoobe Nuunow Mxamed.
Waxaa hadalka furay Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay oo ka hadlay heerarka kala duwanaa ee wax ku soo barteen Macalimiintan.
Gudoomiyaha Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Axmed (Prof. Kalay) ayaa sheegay in waqti dheer iyo juhdi badan la siiyey sare u qaadida Ardayda Jaamacada Koonfurta Soomaaliya isagoo u mahadceliyey dhamaan ka Qiib Galiyaasha Munaasabada Isla markaana wuxuu Hambalyo u diray Ardayda Qalin Jabisay wuxuuna dhiirigeliyey kuwa hada Waxbarashada ka wada Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Ee Baydhabo.
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo C/laahi Maxamed Watiin Oo Munaasabada ka Hadley ayaa sheegay in qiimo wayn ay ku fadhido soo saarida Arday tacliin Sare Xambaarsan Dalkooda iyo dadkoodana ku anfici kara wixi ay soo barteen wuxuu sheegay inaysan soo gabagabayn waxbarashada Ardayda Qalinjabisay balse hada ay Bilow u tahay waxbarashada ayna sii wadaan.
Ku Simaha Madaxweynaha KGS Maxamed Xasan Fiqi oo soo xirey Munaasabada ayaa sheegay in Dowladd ahaan ay soo dhawaynayaan Ardayda Qalinjabisay Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Dalkana ay ka jirto shaqooyin farabadan oo loo baahan yahay in ay soo saartaan kana faa’iidaystaan.
Ugu damnbeyntii Hay’ada NRC ayaa Gacan ka geysatay Dhaqaalaha iyo Soo saarista Macalimiinta Maanta Ka Qalan jabiyey Kuliyada Waxbarashada Ee Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Ee Baydhabo.