Shir looga hadlayay amniga iyo bad-baadada duulimaadyada oo ka dhacay Muqdisho

0
194

Muqdisho(INO)- Shir ay isugu yimaadeen Madaxda Garoomada diyaaradaha Soomaaliya ayaa ka dhacay Xarunta Hey’adda Socdaalka iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ee garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa looga hadlayay xoojinta ammaanka iyo bad-baadada rakaabka raaca duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

Maareeyaha Saadaasha Hawada Soomaaliya C/waaxid Cumar ayaa ka hadlay sida xilligan ay muhiim u tahay xaqiijinta amniga iyo bad-baadada dadka rakaabka ah, iyadoo guud ahaan caalamka isha lagu haayo amniga duulimaadyada

Dhamaan dhinacyada shirka iskugu yimid ayaa diiradda saaray sida loo hubiyo aqoonsiyada iyo dhamaan dukumintayada dadka safraya, si loo helo raad raaca wanaagsan, loona xaqiijiyo dhamaan rakaabka raacaya diyaaradaha.

Maareeyeyaasha shirka ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa maareeyaha garoonka Gaalkacyo, Kismaayo,Boosaaso, Beledweyn, Jowhar iyo Baydhabo.

Dhamaadka shirka waxaa Maareeyaha guud ee Saadaasha Hawada uu qalabka wax lagu hago uu guddoonsiiyay madaxda garoomada ee shirka ka soo qayb galay, isagoo ugu baaqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dar dar geliyo labada qodob ee shirka xoogga lagu saaray ee ah Amniga iyo Badbaadada Save and security.

Ugu dambeyn shirkan ay isugu yimaadeen Maareeyaasha garoomada diyaaradaha Soomaaliya ayaa noqonaya kii u horeeyay muddo 25 sano ah oo Muqdisho ka dhaca.

kulan-1kulan