Daacish oo sheegtay in Omar Mateen uu ahaa Askari ka tirsan Khilaafada Islaamka

0
460

Folida(INO)— Idaacad ay leeyihiin Kooxda IS ayaa sheegtay in ninkii toogashada ka geystay Orlando uu ahaa askari ka tirsan Kooxda Khilaafada ee Mareykanka ku sugan.

Omar Mateen ayaa weeraray goob lagu caweeyo oo ay adeegsadaan dadka isku jinsiga ah, waxaana uu dilay dad gaaraya 50-ruux, halka 53 kale ku dhaawacmay.

“Cumar Mateen wuxuu ahaa askari ka tirsan Khilaafada Islaamka ee Mareykanka”ayaa lagu yiri war laga sii daayay idaacad ku hadasha afka Kooxda Daacish.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay inay aqoon wanaagsan u laheyd Omar Mateen, iyadoo saddex jeer oo hore su’aalo la weydiiyay.

Waxaa si gaar ah loola xiriiray inuu saaxib dhow la ahaa Munir Abu-Salhaan oo isku qarxiyay dalka Suuriya, isla markaana ahaa muwaadinkii u horeeyay ee Mareykan ah oo weerar is qarxin ka fuliya Suuriya.

Goor sii horeysay laamaha ammaanka ayaa sheegay in ninkan uu wacay adeegga xaalada deg dega ee 911, waxaana uu u sheegay inuu ku xiran yahay kooxda Daacish.

Idale News Online, Folorida