Riqqa(INO)—Kooxda IS ayaa ka sameysatay godad dhaadheer oo ay ugaga badbaadaan duqeynta diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga uu horkacayo Maraykanka ku qaadaan deegaanada ay maamulaan ee dalka Ciraq iyo Siiriya.
Godadkan ayaa waxaa lagu arkay deegaanada ay Kurdiyiinta Ciraaq ku nool yihiin kadib markii ciidamada Peshmerga loo yaqaan ee Kurdiyiinta Ciraaq ay qabsadeen inta badan deegaanada ay ku nool yihiin dadka loo yaqaan Yazidi bishii December ee sanadkii hore.
Illaa 70 godad waaweyn ah ayaa la arkay iyadoo godadka ay badankood yihiin kuwo ay ciidamo badan geli karaan ayna ku dhaqdhaqaaqi karaan.
‘Godad waaweyn ayaa laga qoday waddo walba iyo dhisme kasta oo ahaa kuwii maamulka ee dhisnaa,’ayuu Wais Faiq madaxa guddiga maamulka Sinjar u sheegay International Business Times. Mr Faiq ayaa sheegay in kooxda ISIS ay gebi ahaanba baabi’iyeen qaab dhismeedkii Sinjar.
Godadka ayaa la sheegay in meelaha qaarkood koronto la geliyay halkaa oo nalal iyo qaboojiyaal lagu xirey.
Warkan ayaa imanaya iyadoo isbahaysiga uu horkacayo Maraykanka ay sii wadaan duqeynta ay ku hayaan ururka IS ee Ciraq iyo Siiriya.
Maraykanka iyo isbahaysigiisa ayaa qaaday illaa iyo 21 weeraro cirka ah, iyadoo 14 kamid ah duqeyntaana ay ka dhacday magaalooyinka Mosul iyo Fallujah ee dalka Ciraaq.Isbahaysiga ayaa sheegay in ay duqeeyeen xarumo lagu fasameynayay waxyaalaha qarxa iyo saddex gaadiid oo ay maleeshiyaadka IS ay isticmaalayeen.
Duqeymaha kale ayaa lagu qaaday meel ku dhow Ramadi,Sinjar, Al Qaim, Albu Hayat, Bayji iyo Habbaniya sida lagu sheegay qoraal ay isbahaysigu soo saareen. Sidoo kale dalka Siiriya ayaa duqeymihii u dambeeyay waxaa lala beegsaday afar magaalo oo kala ah – Al Hawl, Ar Raqqa, Manbij iyo Mar’a.
Idale News Online, Riqqa