C/wali Gaas “Puntland sidey shalay u garab taagneyd Jubba, ayay maantana u garab taagan tahay”

0
209

Garowe(INO)— Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu hambalyeeyay Axmed Madoobe guushii uu ka soo hoyay doorashadii Madaxweynaha Jubba, isagoo cadeeyay inu mar walba Puntland garab taagan tahay.

C/wali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Galkacyo ayaa sheegay in Jubbaland ay ka baxday KMG, isla markaana hada ah dowlad haykalkeeda u dhan yahay, waxaana uu u rajeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe xilka uu mar kale qaaday uu ku guuleeyo.

“Waxaa rabaa anoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Puntland inaan hambalyo u diro Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale Baarlamaanka Jubba ay doorteen”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

Mr Gaas ayaa sheegay in sidii shalay Puntland u garab taagneyd Jubba ay maantana garab taagan yihiin, isagoo ku tilmaamay doorashada mid u dhacday si dimoqraadi ah oo ku dayasho mudan.

Doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo ee Axmed Madoobe loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa dad badan oo siyaasada ka faalooda ku tilmaameen inay tahay Nin Dooran doorta, maadaama horay uu Axmed Madoobe galaan-gal ugu lahaa dhismihii Baarlamaanka Jubbaland oo ay sharci darro ku tilmaameen Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay doorashada Madaxweynaha Jubba inay tahay mid aan waxba ka jirin, maadaama Baarlamaan sharci darro ku dhisan ay Madaxweyne aan sharci aheyn doorteen.

Idale News Online, Garowe