Culimadda Islaamka dalka Kenya oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan weerarada Shabaab ay ka geystaan dalkaasi

0
227

Nairobi(INO)-Kulamo muddo dheer u soo socday culimadda Islaamka ee dalka dalka Kenya, ayaa ugu dambeyn waxa ay kasoo saareen go’aano ku aadan weerarada Shabaab ay ka geystaan dalka Kenya.

Sheekh Maxamed Shakuul oo ka mid ah culimadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool, ayaa Warbaahinta u sheegay go’aanada cad-cad ee ay kasoo saareen weerarada Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya.

Waxa uu sheegay in Diinta Islaamka ay tahay Diin nabadgelyo ah oo dadka aan dulmin, wuxuuna intaasi  ku daray in qofka Bini’aadamka Naftiisa iyo maalkiisa aan lagu deg-degi karin.

Sidoo kale Culimadda ayaa waxa ay ka hadleen go’aankii Dowladda Kenya ay ku gaartay  in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya Qaxootiga Soomaalida, waxaana ay sheegeen inay kasoo horjeedaan go’aankaasi.

Waxa ay sheegeen Culimadda in weli ay taagan tahay dhibaatadii ay kasoo carareen shacabka Qaxootiga ah welina dalkooda ay ka taagan tahay, sidaasi awgeedna aysan wanaagsaneyn in lagu deg-dego dib u celinta Qaxootiga Soomaalida.

Dalka Kenya ayaa Shabaab waxa ay ka geystaan weeraro kala duwan oo ay ku beegsadaan dadka aan Islaamka aheyn ee dalkaasi ku nool, waxaana taasi ay dhalisay in Dowladda Kenya ay ku kacdo dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool.

Shabaab ayaa horay ugu hanjabay inay kordhin doonaan weerarada kala duwan ee ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here