Cudurka Dabeysha oo laga ciribtirayo soomalia

0
194

Idalenews:- dabaal dagyo lagu taagyeerayo ayaa ka socdaa gobolada soomalia, ka soo ula jedkiisu yahay olala looga soo hor jeedo ciribtirka dabiisha Soomalia.

Home MAQAALO Soomaaliya oo laga ciribtiray Cudurka Dabeysha
MAQAALOWARARKA GUDAHA
Soomaaliya oo laga ciribtiray Cudurka Dabeysha
August 12, 2017 355 0

Muqdisho(SONNA)–Sanad walba, 24 bisha Oktoobar waxaa la xusaa “Maalinta Cudurka Dabeysha”. Guddiga Dabagalka Madax bannaan ee Cudurka Dabeysha, ayaa ku kulmay Magaalada London si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray dabargoynta cudurka dabeysha.

Dunidu waxay hal tallaabo u jirtaa, in la ciribtiro cudurka labaad, ee Aadanaha ku faafa, oo ah cudurka Dabeysha. laga soo billaabo sanadka 1988dii, horumar la taaban karo ayaa laga gaaray, in la ciribtiro cudurka Dabaysha.

Fayruska sababa cudurka Dabeysha, waxa uu gaar ku ahaa 128 dal, balse, hadda waxuu gaar ku yahay saddex waddan, oo kala ah:-Afghanistan, Nigeria iyo Pakistan. Dalka Nigeria ayaa la filayaa, in laga saaro liiska waddammada uu cudurka Dabeysha gaar ku yahay, waayo, 12 bilood ayey xor ka yihiin cudurka, laga soo bilaawo 24 luuliyo 2014.

Cudurka Dabeyshu, waa cudur uu keeno feyrus ku dhacaa Caruurta iyo dadka waaweynba, waxaa laga qaadaa afka. Dabayshu waxay dhalin kartaa xanuun yar ama astaamo sahlan, waxay waxyeellaysaa hab-dhiska neerfayaasha iyo dheefshiidka, kadibne waxay dhalisaa curyaannimo joogta ah.Sanadkii 1997dii, ollalaha dabargoynta cudurkan ayaa ka bilaabmay Soomaaliya, balse, bishii maarso 2007dii, ayaa Somaaliya waxay awooddey, in ay joojiso faafidda cuddurkaa, waxayne xaqiijisey, in dalku uu ka xoroobay cudurka Dabeysha. Ka dib lix sano, cudurka Dabeysha ayaa Soomaaliya lagu arkey bishii maajo 2013kii, markii ugu horreysey muddo lix sano ah.
In ka badan 2.1 million oo Carruur ah oo da’dooda ay ka hooseyso shan jirka ayaa bartilmaameed u ahaa olole tallaal ah oo ay fulisay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo kaashanaysa hey’adaha Qaramada midoobay iyo ururro kaleba.

Haddaba waxaa goor dhow soo yeeray war farxad leh oo ku saabsan in Soomaaliya laga ciribtiray gabi ahaanba Cudurka dabeysha ama Polio loo yaqaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu amaanay la dagaalanka Cudurka dabeysha sida ay Wadanka uga ciribtirtay, iyadoo Madaxda Soomaalida ay cudurka Dabeesha ka dhigeen mudnaanta koowaad ee Qaranka, waxayna sameeyay dadaal xoog badan si Carruurta oo dhan tallaalka u qaataan.

Kiiskii ugu dambeeyay waxaa la soo sheegay sanad iyo bar ka hor, balse waxaa mar kale laga sheegay Dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya, blasé markaan ayaa la shaaciyay in laga suuliyay Dhulka Soomaaliya, iyadoo guusha laga gaarey joojinta cudurka dabeysha uu yahay natiijo ka dhalatay olole ay si fiican dhaqaale ugu bixiyeen oo ayna isku soo dubbarideen maamulada, iyaga oo taageero ka helaya hay’adaha UNICEF iyo WHO.