Nairobi(INO)-Waxaa soo kordhaya saameynta shacabka dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku yeelatay amarkii Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ay ku xirtay shirkadaha xawaaladaha Kenya ka howl gala.
Qoysas fara badan oo labada dal u dhashay ayaa xaaladooda culeys weyn saaray kaddib markii ay waayeen meel eheladooda dibadda jira u soo mariyaan lacagha.
C/rashiid Dahabshiil maamulaha shirkadda Dahabshiil oo u waramayay idaacadda VOA-da ayaa ka dhawaajiyay tallaabada dowladda Kenya ku xirtay shirkadaha xawaaladaha ay tahay mid aan laga fiirsan.
“Natiijadeeda waa la helay shirkadihii ay Kenya isku dembiga ka dhigtay” ayuu yiri C/rashiid Dahabshiil oo sheegay inay socdaan dadaallo dib loogu furayo shirkadaha xawaaladaha.
Dhinaca kale maamulaha Dahabshiil wuxuu sheegay in Dowladda Kenya amarkeeda u hoggaansameen, isla markaana ay ku khasban yihiin inay qaataan go’aanada qareenada ay ka gaaraan.
Hadalka C/rashiid Dahabshiil ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli dalka Kenya ay ka socdaan baaritaanno la xariira weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa ee ay ku geeriyoodeen arday ka badan 148-qof, tiiyoo weli dalka Kenya ay ka socdaan weerarada ay sheeganeyso Al-Shabaab.
Idale News Online, Nairobi