Columbus ee Dalka Maraykanka: Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo xarun cusub ka furtay Magaalada

0
228

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawed , oo howlo shaqo u jooga Dalka Maraykanka ayaa booqasho ku tagay xarunta cusub ee uu Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka furtay Magaalada Columbus Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

Wasiirka ayaa ugu horreyn kulan la qaatay shaqaalaha xarunta Taleefishinka Qaranka ee Columbus, wuxuuna bogaadiyay shaqada ay halkaasi ka wadaan iyo dhabar adayga ay muujiyeen muddadii dheerayd ee ay howshani ku guda jireen iyo dedaallada dheeriga ah ee ay muujiyeen.

Mudane; Cawed oo noqonaya Wasiirkii ugu horreeyay ee ka hadla TV-ga Qaranka ee Columbus ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay inuu la kulmo furitaanka xaruntan cusub, wuxuuna ku cel celiyay inay ammaan iyo xusuusba mudan yihiin shaqsiyaadkii sida mutadawacnimada ah isugu howlay hirgelinta mashruucan.