DEG DEG:C/kariim Xuseen Guuleed Oo Noqday Madaxweynaha Maamulka GalMudug

0
238

Cadaado (INO)— Musharax C/kariin Xuseen Guuleed oo murashaxiintii u tartamayay doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa si rasmi ah ugu guuleystay xilkaas, kaddib markii uu wareeggii saddexaad ee doorashada kaga guuleystay murashaxiin ay isku soo hareen oo ahaa Axmed Macallin Fiqi.

Guuleed ayaa helay codadka 49-xildhibaan, halka murashaxa la tartamayay uu isna helay codadka 40-xildhibaan oo ka mid ahaa xubnihii codadkooda dhiibtay, iyadoo intii ay tirintu socotay ay mar qura mashaxarad ka yeertay hoolka doorashada lagu qabanayay, kaddib markii 45-cod uu gaaray C/kariin Guuleed.

Natiijada doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Galmudug, isagoo xusay in C/kraiin Xuseen Guuleed uu kusoo baxay doorashada madaxnimo ee maamulka Galmudug, kaddib markii uu helay 49-cod.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku tartamayay 6-murashax, kuwaasoo saddex ka mid ah ay ku hareen wareeggii koowaad, halka murashaxa kale uu ku haray wareeggii labaad iyo murashaxii u darmeeyay oo ku haray wareegga saddexaad oo ahaa kii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo ay si aad ah isugu dhow yihiin madaxweynaha DF Somalia ayaa bilihii u dambeeyay dadaal dheeraad ah ugu jirtay sidii xilka madaxweynaha maamulkaas loogu dooran lahaa.

Khudbaddii uu shalay jeediyay C/kariin Xuseen Guuleed Khamiistii lasoo dhaafay ayuu ku sheegay inuu Xoogga saari doono Sugidda Ammaanka deegaannada maamulka uu ka talin doono Galmudug.

Ugu dambeyn, Waxaa la Guda-galayaa Doorashada Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug oo ay ku taagan yihiin dhowr murashax, iyadoo murashaxii ugu cod badnaanada uu noqon doono madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Natiijada doorashada madaxweyne ku xigeenka waxaad kula second doontaa wararka soo socda ee Idale News Online  haddii uu Alle ogolaado.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here