Cilmiga Xanaanada Xoolaha Qeybtii 5aad: Abla-Ableynta Riyaha

0
513

Abla- Abaleynteeda: Waxaa riyaha loo isticmaali karaa ama loo dhaqdaa  labo u jeedo oo  waa weyn ,sida hilib iyo caano.

Riyaha loo dhaqdaa xagga hilibka waxa  looga haystaa dhulka roobabku ku yar yahay ee lama deegaan u ekaha ah. Dhulkeena gudihiisa,sinjiyadda riyaha ee loo dhaqdo hilibka oo la qalo waxaa la yiraahdaa “Daabxaad”.

Sida caadiga ah,arigani waa uu waa weyn yahay,culeysiisku waxaa uu gaaraa 35kg-75kg,badanaa sinjiyada daabaxaadu adkeysi ayaa u lee yihiin cuduradda ,isla markaana si wanaagsan ayaa ayuga dhaqmi karaa meelaha ay ku yar yihiin biyaha.sinjiyadda uga caansan daabaxaadu waa nooca “Gaalla”,kuwa  soomaalida ,turkaana iyo sambuuru.

 Dunidda waxa  ka jira in ka badan 300 sinji oo riyaha ah.

Kingdom Animalia
Phylum chordata
Class mammalian
Order artiodactyla
Family bovidae
Sub-family caprinae
Genus capra
Species Capra-aegagrus
Sub-species Capra aegagrus hircus

Dhamaan xoolaha family goodi uu yahay (bovidae),waa kuwa leh qoob,waxeyna kala yihiin (Lo’da,Riyaha,Idaha iyo lo’-gesadda.iyo kuwa loo  yaqaan Antelope tusaale ahaa (deero iyo sagaaro).

Riyaha caanoodku waa can,sababtoo ah daaqa ayey cunaan oo sidabiici ah loo helo.wax soo saarka canahooduna waa sareeya.sinjiyadda dalka gudehiis lagu dhaqo xagga caanaha waxaa la yiraahdaa “RIYO”.sinjiyaddani waa cadaan,isla markaana wax ay leeyihiin Geeso yaryar oo leh dhego taagan.kuwa dhedigu culeys koodu waa 45kg-50kg,caanaha ay soo saaraan waa 2-3liter maalintiiba.sinjiyadda  kale ee Riyaha  canka ah ee caanaha leh waxaa layidhaada TOOGGENBUR,SAANEN iyo ANGLO-NUMBIYA.

Riyaha sinjiga tooggenburg waa buni-hurdi  khafiif ah iyo liidad  caddaan hurdi ah. Dhegahoodu waa ay tag-taagan yihiin.sinjigabi malaho geeso.culeyskoodina waa waa 45kg- 50kg, waxaa algu maalaa caano dhan 2-3liter maalintiiba.

SAANEN: waa sinji cad,cadaan hurdi ah ama buni-hurdi ah.dhegahoodu waa tag-taaganyihiin,horena waa ay u sii jeedaa.sinjigani  malaha geeso isna, culeyskoodu waa 50kg-80kg, caanahala ay soo saaraan wa 2-3liter maalintiiba.

ANGOLO-NUMBIYAN Waa isku dhal labo sinji oo kala ah mid hindi ah iyo mid suudaan ah.xajmaigoodi waxaa uu la egyahay kan saaren.sinjigani waa cadaan leh dhego foorara.sinjigani caanahood waa 1-3 liter.

 Maamulida Riyaha

Astaamaha soo socdaa waxaa ay mujinayaa inay riyuhu caafimaad qabaa,isla markaana ay yihiin:-

  • Kuwa leh candho iyo naaso waaweyn.
  • Kuwa leh feero balaaran oo kala baxsan.
  • Kuwa leh muruq iyo dabadheer xoogan.
  • Kuwa leh adimo hagaagsan
  • Kuwa leh dub(dobo) dheer oo taagan.

Riyaha Soomaaliya

Soomaaliya waxaa ka jiraa labo sinji oo  riyo ah , waxaana lagu qiyaas riyaha soomaaliya 20 million ,.waxeyn kala yihiin:-

  1. white short-eared Somali( east African type). Inta badan midibkoodu waa caddaan laakiin mararka qaar waxaa la arkaa isku jir midib (Camajiir),sida; madow iyo baroon .
  1. lang hair&ear (Arabian goat). Waa sidaa looga yaqaano aduunka waaye magacyadani

Riyaha neefka labka aha waxaa lagu magacaawaa” Orgi”(bully)ama buck, tan dhediga ah waxaa algu maga caawa “RI”-(Nanny ama does).marka ay yaryer yihiinwaxaa lagu magacaawaWaxar iyo Maqal(kids),Riyuhu waxey uurka sidaan 145 maalmood.

W/Q: Xasan Ismaciil Isaaq( Xasan Basha).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here