Baydhabo(INO)–Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowlada KG Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur caliyow ayaa usoo xirey tababar lagu hormarinayey tayada macalimiinta iyo Maamulida iskuulada ku yaala kaamamka barakacayaasha Degmada Baydhabo kaas oo ay isku kaashadeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowlada KGS iyo Hay’adda BREC.
SidoO Kale Wasiirka ayaa kula dardaarmey macalimiinta tababarka loo xirey in ay wixii la barey ay uga faa’ideeyaan ardada ay wax u dhigayaan Isla markaana wasiirku waxa tababar kale ufurey Gudiga Waxbarashada Kaamamka Baydhabo.
Wasiir Saadaad Maxamed Nuur Caliyow,ayaa kula taliyey in ay ka faa’ideystaan waxa la barayo sideytahayna u fuliyaan Wasiirka wuxuu kaloo sheegey in ay diyaar u yihiin u adeegida bulshada iyo Hurmarinta waxbarashada KGS, wasaaradda waxbarashada iyo Barbaarinta Dowlda KGS ayaa noqotey wasaaradii ugu horeysey ay yeelato xafiis iyo tan ugu shaqada badan iyadoo welina laga filayo howlo Horumarineed oo Badan.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Mustafe Garabey, Idale News Online, Baydhabo