Cillad farsamo oo ka dhex dhacday Facebook oo malaayiin adeegsadeyaal nool lagu “dilay”

0
233

Calfornia(INO)- Facebook oo baryahan waday kala shaandheynta adeegsadayaasheeda kuwa dhintay iyo kuwa nool ayaa waxaa cillad farsamo oo dhacday awgeed lagu daray malaayiin adeegsadayaal ah liiska dadka dhintay.

Ciladdan farsamo ayaa waxaa ay sidoo kale saameysay aas-aasaha iyo milkiilaha Facebook Mark Zuckerberg oo isna liiska dadka dhintay galay.

Qaar ka mid ah adeegsadayaasha iyaga oo nool la dilay ayaa sheegay in arrintani tahay nasiib darro, ayna raalligelin ka sugayaan shirkadda Facebook.

Labo Milyan oo ruux oo nool ayay arrintani saameysay, waxaana qoraal lasoo dhigay barahooda lagu sheegay in “loo tacsiyeyn karo”.

Maamulka Facebook ayaanan wali ka hadal ciladdan farsamo ee uu ku dilay malaayiin ka mid ah adeegsadayaashiisa.