Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku Dagaalamay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Dagaalka ayaa ka dhacay Deegaanada Warmaxan iyo Buufoow oo Gobolka shabellaha Hoose ka tirsan,waxaana Dagaalka uu geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah.
Gudoomiye Xigeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi ayaa u sheegay warbaahinta in Dagaalka uu u dhaxeeyey Ciidamada Nabadsugida iyo Milatariga Soomaaliya.
Cumar Carabey ayaa sheegay in Dagaalka uu yimid ka dib markii Ciidamada Milatariga ay Isbaaro Dhigteen Deegaanka Warmaxan,Ciidamada Nabadsugidana ay Dagaal ku qaadeen.
Inta la Xaqiijiyey Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Dagaalka ku Geeriyooday,ayadoona uu jiro Dhaawac soo kala Gaaray.
Wali Xiisad ayaa laga Dareemaya Deegaanada Warmaxan iyo Buufow oo ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Idale News online , Afgooye.