Muqdisho(INO)- Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federalka Somaliya ayaa isku rasaaseeyay nawaaxiga Isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aada dhanka Garoonka oo Ciidamada NISA ay ku leeyihiin goob Koontarool ah oo gaadiidka lagu baaro.
Ciidamada Nabad Suggida oo ku guda jira howlmaalmeedkooda la xiriira Suggida ammaanka iyo baarista gaadiidka u dhaqaaqaya dhanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa meesha waxaa yimid gaari ay saaran yihiin ciidamo kale oo Dowladda ka tirsan.
Ciidanka kale ayaa isku dayay inay dhinac maraan nidaamka Baarista gaadiidka, taasi oo keentay shaki ay shakiyeen ciidamada NISA oo ku amray gaarigaasi inuu istaago, hayeeshe ciidamadii watay ay ka dhaga adeegen.
Intaasi kadib ayaa waxaa bilaabatay israsaaseyn dhexmartay ciidamada NISA iyo ciidankii kale ee watay gaariga yar, kuwaasi oo doonaayay hubin la’aan inay maraan wadada ciidanka Baarista ay ka hayeen.
Goobta israsaaseynta ka bilaabatay ayaa waxaa dhoobnaa gaadiid badan oo dad rayid ah ay wateen, kuwaasi oo saf dheer ugu jiray Baaritaanka ammaanka la xiriira ee ciidamada ay sameeyaan, iyadoo mar qura dadkii ay ka yaaceen gaadiidkii ay saarnaayeen, markii ay bilaabatay Xabada.
Dadka goobta ku sugnaa xilliga israsaaseynta dhaceysay ayaa sheegay ciidamada kale ee gaariga watay inay ahaayeen ciidamo ka tirsan Booliska, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare dhaawac ah oo labo Askari soo gaartay, halka warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu hal Askari kale uu ku dhintay iska hor imaadkaasi.
Xaalada gobta iska hor imaadka uu ka dhacay ayaa ah mid degan, waxaana howshii suggida ammaanka wada ciidamada NISA oo si asluubeysan gaadiidka halkaasi ugu baara.