Daawo:Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Oo Maanta Tababar Looga Soo Xiray Degmada Qansaxdheere

0
237

Qansaxdheere(INO)-Ciidamo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa tababar loogu soo xirayaa degmada Qansaxdheere ee gobalka Bay, halkaasi oo bilooyin badan tababar uga socday.

Magaaladaasi waxaa goor dhaw gaaray wafdi wasiiro ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasi oo tababar usoo xiri doona ciidamadaan.

Wasiiradaan waxaa hogaaminaaya wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Dowladda Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Xasan, iyaga oo la hadli doona ciidamadaan.

Ciidamadaan ayaa tababarka markii loo soo xiro waxa ay ka mid noqon doonaan ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo sidaan oo kalena horay tababar loogu soo xiray ciidamo badan.

Idale News Online, Qansaxdhere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here