Ciidamo Jabuutiyaan ah oo la Geeyay Dhuusamareeb ka Hor Safarka Cumar C/rashiid

0
249

Dhuusamareeb (INO) – Ciidamo ka Socda AMISOM gaar ahaana kuwa Jabuuti ayaa Gaaray Magaalada Dhuusamareeb, ka hor Safarka Ra’iisul Wasaaruhu Maanta ku tegayo Magaaladaas.

 

News_live_logo_

Wararka ayaa sheegay in Ciidankaas Xalay lagu Celiyey Degmada Guriceel, Halkaas oo ay Ciidanka Ahlu-sunna Waljamaaca u sheegeen in aysan ka Gudbeyn, Balse markii leyska Warsaday Sababta Socdaalkooda ayaa la sheegay in ay Ahlu-sunna u Ogolaatay in ay Gudbaan oo ay Gaaraan Magaalada Xarunta ah.

14 Gadiidka Dagaalka ah ayaa la sheegayaa in Ciidamada Jabuuti ee Halkaas Gaaray ay Wataan, waxaana ay ka Baxeen Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, Halkaas oo ay Saldhigga ugu Weyn ku leeyihiin Ciidanka Dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Cumar C/rashiid ayaa lagu Wadaa Marka uu tago Magaalada Dhuusamareeb in uu u kala Socdaalo Magaalooyinka Cadaado iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka wada Tirsan.

Lasoco Warar Dheeraad ah.

Idale News  Online –  Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here