Ciidammo Itoobiyaan ah oo gaaray Baydhabo iyo shacabka Baydhabo oo ka soo Horjeestay in eeyo ay baaritaan ku sameeyaan.

0
196

Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta gaaray cutub ka tiirsan ciidamada Itoobiya, kuwaasoo ka yimid degmada Berdaale soo maray deegaanka Awdiinle oo ciidamada AMISOM ay saldhig weyn ku leeyihiin.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaanahan waxay ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyagoo soo gudbay xuduudda dhinaca Ceelberde iyo dhinaca Yeed, iyadoo ciidamada maanta soo gaaray degmada Baydhabo ay yihiin kuwii saldhigyada ku lahaa degmada Qansax-dheere iyo Bardaale.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamadan ay u yimaadeen Baydhabo, iyadoo sidoo kale ay degmada soo gaareen taliyaha maxkamada ciidamada qaybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka, Col. Sheekh Xuseen iyo xubno ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xubnahan ay u socdaan sidii maxkamad ay u soo taagi lahaayeen eeedaysanayaal ku xiran xabsiga dhexe ee Baydhabo kuwaasoo qaarkood geystay dilal, halka kuwo kalena loo haysto inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Dhanka kale, dadweynaha magaalada Baydhabo ayaa kasoo horjeestay inay baaritaanno ku sameeyaan eeyo ay wataan ciidamada AMSIOM xilliga ay galayaan garoonka diyaaradaha halkaasoo ammaankiisa aad loo adkeeyay.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay garoonka keeneen eeyo tababaran si ay u sameeyaan baaritaanno dhameystiran, waxaana la sheegayaa in gaoronka ay ku sguan yihiin ciidammo Mareykanka ah oo aan la sheegin ujeedka ay u yimaadeen halkaas.

Garoonka Baydhabo waxuu ka mid yahay garoommada ugu waa weyn dalka Soomaaliya, maalin waliba waxaa yimaaada 19 diyaarado oo kala duwan sida kuwa jaadka keena iyo kuwa rakaab oo ka imaanaya Muqdisho,Hargeysa, Kenya, Uganda IYO Turkey; sidoo kale waxaa yimaada diyaarado ay leeyahiin hay‘adaha samafalka iyo kuwa ciidamada AMISOM .

Dadweynaha iyo waxgaradka Baydhabo ayaa ka cabanaya eeyaha baarista ku sameynaya marka ay joogaan garoonka Baydhabo.

Sheekh Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ah culummada Baydhabo ayaa joojiyay safar uu Muqdisho ku tegi lahaa, kaddib markii uu diiday in eeyaha ay baaraan.

Sheekh Cabdullaahi ayaa ka hadley arrintan isagoo eedeyn kulul u jeediyay adeegsiga ay ciidamada AMISOM u adeegsanayaan baaritaanka dadka eeyo ay tababarteen, isagoo sheegay in ay tahay mid ka baxsan diinta Islaamka wuxuuna dalbaday in la joojiyo.

download

Idale News Online, Baydhabo