Ciidamada Maamulka Jubba oo Xasuuq ka geeystay Kismaayo

0
189

Muqdisho(INO)-Wararka aanu ka heleeyno Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay Ciidamada maamulkaasi ay dil iyo afduub u geeysteen qooys daganaa magaladaasi.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamadu ay gudaha ugaleen mid kamid ah xaafadaha Magaalada Kismaayo oo ay daganaayeen qoosys .

Wararku waxa ay intaasi ku sii darayaan in ciidamadu ay dileen mid kamid ah dadkii ku sugnaa xaafada waaxana ay wateen labo kamid ah dadkii xaafadaasi daganaa.

Waxaa Shabakada Idale News Online  arintaasi u xaqeejiyay Max’ed Cabdi Odowaa oo kamid ah ehalada qofka la dilay iyo kuwa la afduubtay oo xiligaasi guriga ku sugnaa.

Waxa uu sheegay in aanay garaneeynin sababta ay ciidamadu u soo weerareen hooygooda isga oo laga dareemi karo murugada heeysa ayuu sheegay in arintaasi ay noqotay mid ay aad uga naxeen.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubba oo ay rintan uga hadlayaan hase ahaatee baryihii ugu danbeeyay waxaa Magaalada Kismaayo Ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ay Ciidamada Jubba ka geeysanayeen xasuuq ay ugeeysanayaan dadka rayidka ah ee aan wax galabsan.

Idale News Online, Kismaayo.