Buurhakaba (INO) — Cali Xasan Cabdi Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyey howgallo Saacadihii ugu dambeeyay ay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ka sameeyeen Degmada Buurhakaba iyo Deegaano ku teedsan.
Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba ayaa waxaa uu sheegay in Howgalada lagu xaqiijinayay amaanka Degmada iyo sidoo kale Degaanada hoostaga wuxuuna sheegay in howgalada ay ka dambeeyeen kadib markii mudooyinkii Dambe Degmadaasi ay ka dhaceen falal lidi ku ah amaanka islamarkaana Ciidamada Dowlada ay wadaa howgallo.
Dhinaca kale, Cali Xasan Cabdi, Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in Maamulka Degmada Buurhakaba ay ku guuleysteen Xaqiijinta Amaanka Degmada iyo Degaanada hoostaga, wuxuuna tilmaamay in wada shaqeyn xoogan ay kala dhaxeyso Shacabka ku dhaqan Degmadaasi
Mudooyinkii dambe Degaanada iyo Degmooyinka Gobolka Baay waxaa ka soconayay howgallo xoogan oo Ciidamada ay ku xaqiijinayaan amaanka Degmooyinkaasi inkastoo xiliyada qaar ay ka dhacaan falal Amni daro.
Idale News Online, Buurhaba