Ciidamada Kenya iyo Al Shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobolka Jubada Hoose

0
481

Hoosingoow (INO)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Culus oo Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka howlgalka AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray Degaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay Weerar Xoogan ku qaadeen Saldhig Xoogaga Militariga Kenya ee AMISOM ay ku leeyihiin Degaanka Hoosingoow.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaaro kala duwan oo gaaray labada dhinac, inkastoo aan weli la cayimin.

Xiriiro kala duwan Saraakiisha Ciidamada ee Maamulka Jubaland ayaa inoo suuro gelin in aan qadka taleefonka ku haleelno si aan wax badan uga ogaano khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalkaasi.

Weli ma jirto wax hadal ah oo ka soo kala baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab iyo kuwa Dowladda Kenya ee qeybta ka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Xarakada Al Shabaab ayaa Dagaal yahano ka tirsan waxey inta badan weeraro khasaaro geysta ay ku beegsadaan Xoogaga Maamulka Jubaland iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolka Jubada Hoose.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay