Ciidamada Illaada Amaanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa Xalay toogtay Nin ka tirsanaa Dadka Degan Xaafad u dhaw Xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia.
” Xalay waxaan kusoo kacay Dhawaqa Rasaas badan oo ka dhacaysay banaanka Guriga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed, waxay ahayd xilli danbe oo aan banaanka loo soo bixi karin, markaan Saakay soo kacay ayaan maqlay in Rasaastii xalay lagu dilay Musfaf Xasan Caato,” ayuu yiri Goobjooge magciisa qariyay oo Radio Kulmiye la hadlay.
Wuxuu sheegay Goobjoogaha oo ay Deris ahaayeen Marxuum Musfat Xasan Caato, in Ciidamada ay ka shakiyeen oo kaliya Musfat oo sidaasi ay ku dileen, balse uusan kamid ahayn Kooxda Al shabaab.
” Xilli uu Gurigiisa sii galayay Xalay Todbo Saac, ayaa lagu furay Rasaas, Goobta ayuuna ku geeriyooday Musfat waxa u ahaa Nin degan xaafadda oo aad Dadka u yaqaaneen, Saakay ayaa meydkiisa laga qaaday Goobtii lagu dilay, wali ma cadda Sababta ay Ciidamada illaada Ra’iisul wasaaraha u toogteen,” ayuu yiri Goobjoogaha.
Idale News Online – Xafiiska, Baydhabo Janyaa, KG Soomaaliy.a