Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Duulaan ee ku qaadeen Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay waxa ee kula wareegeen Deegaankaasi kadib markii Dagaalamayaashii Al-Shabaab ee gacanta ku hayay Deegaankaasi ee isaga baxeen.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo maanta aad u hubeesnaa ayaa ka duulay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa uuna ahaa Qorshaha Duulaankooda in Al-Shabaab ka saaraan Deegaanka Owdiinle iyo Deegaano kale oo katirsan Gobolka Baay.
Wararka qaar aan ka heleyno Deegaanka Owdiinle ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu halkaasi ka dhacay kahor inta Al-Shabaab aan lagala wareegiin Deegaanka Owdiinle inkastoo aan si rasmi ah loo heyn Qasaaraha uu reebay Dagaalkaasi.
Dhinaca kale Ciidamada Huwanta ee kusugan Gobolka Jubada Hoose ayaa sakaay Al-Shabaab waxa ee kala wareegeen Deegaanka buulo Gaduud oo qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
La wareegida Ciidamada Huwanta ah ee Deegaanka Buulo gaduud ayaa iyana timid kadib markii Al-Shabaab ee iyana halkaasi ka baxeen kadib markii ka war heleen duulaan culus oo kusoo wajahnaa.
Al-Shabaab ayaa lumisay gacan kuheynta Degmooyin iyo Deegaano badan oo ku yaala Gobolada Dalka kadib markii culees dhinaca dagaalka ah ee kala kulmeen Xulufada Ciidamada Dowlada ku wehliya la dagaalanka Al-Shabaab.
Idale News Muqdisho