Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, ayaa Xabsiga dhigay Saraakiil sare oo ka tirsan Ururka Ahlu Sunna, kadib markii ay Gar-Gaar gaarsiiyeen Barakacayaal.
Wararka aan helayno, ayaa sheegaya in Saraakiisha yt xireen Ciidamada Ethiopia ay kamid yihiin madaxa Amniga Degmada Guriceel Muuse Macalin Maxamed (Muuse Tashade,) Mursale Sheekh Xeefoow Madaxa Arimaha Bulshada iyo saraakiil kale, waxaana la xiray Shalay Gelinki danbe.
Sida ya xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna, waxaa loo xiray Saraakiishan in ayGurmad Biyo-dhaamin ah u sameeyeen Kumanaan Shacab Barakacayaal ah oo Xaalad Biyo la’aan ah ku haysata Deegaannada ku yaalla Gobolka Galgaduud, gaar ahaan Tuulooyinka hoostaga Degmada Gurceel, halkaasi oo ay ku noolyihiin Dadkii kasoo cararay Dagaalka socda.
“Markii ay Saraakiishan kasoo laabteen Howsha Samafalka ah, ayaa waxaa lagu xiray Tuulada Toos-dheer oo u dhaw Xadka Soomaaliya iyo Ethiopia wadaagaan, waxaana loo gudbiyay Saldhiga Labo-baar, sidaasi waxaa KON u sheegay Sarkaal Ahlu Sunna ah.
Wali Ciidamada Ethiopia, ee qeybta ka ah AMISOM kama aysan hadlin sababta ay u xireen Mas’uuliyiinta, balse Maamulka Ahlu Sunna ayaa sheegaya in ay wadaan Dadaallo ay kusoo daynayaan Mas’uuliyiinta ka xiran.
Maamulka Ahlu Sunna, ayaa si dhaw ula shaqeeya Ciidamada Ethiopia, waxaana kala qeybgalayaan hadda Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab, ee ka socda Gobollada Dhexe iyo kuwa Galbeed (Gedo) ee dalka Soomaaliya.
Idale News Online.