Xudur(INO)- Ciidamada booliska dowladda Soomaaliya iyo Milateriga Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta hawlgallo ballaaran ka sameeyey degmada Xudur ee gobolka Bakool iyo tulooyin hoos yimaada.
Gudoomiyaha maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macallin Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay hawlgalka ay maanta magaalada Xudur ka sameeyeen ciidamada isgarabsanaya,wuxuuna sheegay iney hawlgalka kusoo qabteen 10 ruux oo u badan dhalinyaro.
Gudoomiyaha degmada Xudur ayaa sheegay in dadka la qabtay ay u badan yihiin dhalinyaro wuxuuna xusay in looga shakiyey iney ka tirsan yihiin Al-shabaab, Gudoomiyaha ayaa sheegay iney baarayaan dadka ay hayaan oo xiligan ku xiran Saldhiga Booliska degmada Xudur.
Maxamed Macallin gudoomiyaha degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa intaa ku daray in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay sidoo kale hawlgalka ka sameeyeen wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee gobolkaa Bakool.
Ciidamada ayaa baaraya gaadiidka ka baxaya magaalada Xudur iyo kuwa soo galaya intaba,waxaana ciidanka lagu arkayaa guud ahaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Xudur,Gudoomiyaha degmada Xudur ayaa sheegay in hawlgalka looga gol leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa sugidda amniga guud ee magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Idale News Online, Xafiiska Xudur.