Ciidamada dowlada oo saakey howlgal ka sameeyey guryo ku yaala xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Wardhiigley

0
203

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa saakay ku jarmaaday guryaha xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho ayagoona howlgal balaaran kula dhaqaaqay dadka iyo guryaha.

Ciidamada wada jirka ah ayaa waxaa la sheegay in howlgalka ay kusoo qabteen dad aad ufara badan oo badankooda ahaa dhalinyaro, qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmada Warta Nabada ayaa inoo xaqiijiyay in howlgalkii saakay ciidamada ay kusoo qabteen in ka badan 300 oo ruux kuwaasi oo ciidamada ay isugu geeyeen goobo kala duwan oo degmada kamid ah.

Howlgalka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay saakay ka sameeyeen degmada Warta Nabada ayaa saameyn ku yeeshay dadka ku dhaqan degmada, ayadoona intii uu howlgalka socday ay istaageen ganacsigii iyo isu socodka dadweynaha, waxaana howlgalkani uu qeyb noqonayaa howlgalo mudooyinkii dambe ka socda xaafadaha magaalada Muqdisho.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalkii saakay ciidamada ay ka sameeyeen degmada Warta Nabada ayaanan weli ka hadlin tirada rasmiga ah ee ay ku sooo qabteen howlgalka, iyo waxa uu kaga duwan yahay howgalkani kuwii mudooyinkii dambe ka socday magaalada Muqdisho

Idale News Muqdisho.