Ciidamada AMISOM Oo Ka Baxay Fariisimo Ay Ku Lahaayeen Toora-Toorow iyo Leego

0
229

Leego(INO)— Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa isaga baxay fariisimo ay ku lahaayeen deegaanada Toora-Toorow iyo Leego, halkaasoo ay dhowaan la wareegeen.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada AMISOM ee shalay dib u qabsaday deegaanka Leego ayaa saaka isaga soo baxay, waxaana ay dageen meel 5-KM u jirta Leego.

Wasiir ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in Ciidamada ay uga baxeen deegaanka Leego xeelad dagaal, isla markaana ay jiraan miinooyin lagu aasay Leego iyo xeradii ay Ciidamada degenaayeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Toora-Toorow, halkaasoo 2-dii bishan ay la wareegeen.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in ka bixitaanka fariisamada ay tahay mid dib u gurasho ah oo ay dib ciidamada isugu abaabulayaan.

Maalintii jimcihii ayay aheyd markii Ciidamada AMISOM uu jab xoogan ka soo gaaray weerar lagu qaaday xero ay degenaayeen, halkaasoo loogaga dilay illaa kontan askari.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii ay bilaabatay bishan Ramadaan kordhiyay weerarada, waxaana ay dhowr jeer ay duulaano ku qaadeen saldhigyo iyo fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Gobollada dalka.

Idale News Online, Leego

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here